Legal
Terms of Service
Shuruudahan waxay maamulaan isticmaalka website-ka iyo koorsooyinka Gaylan Academy — akadeemiyada saxaafadda, warbaahinta iyo content creation.
Last updated: 1 August 2026
1. Heshiiska
Marka aad account sameyso ama koorso iibsato, waxaad ogolaaneysaa shuruudahan. Haddii aanad ogolayn, fadlan ha isticmaalin adeegga.
2. Account-kaaga
Hal qof — hal account. Waad mas'uul ka tahay ilaalinta password-kaaga iyo dhammaan waxa ka dhaca account-kaaga. Macluumaadka aad bixiso waa inuu sax yahay.
3. Helitaanka koorsada
Markaad koorso iibsato waxaad helaysaa license shakhsi ah, aan la wareejin karin: waxaad daawan kartaa casharrada online muddo aan xaddidnayn (lifetime access) inta koorsada ay ka jirto platform-ka.
4. Waxa aan la oggolayn
- Wadaagista login-kaaga ama account-ka qof kale.
- Duubista (screen record), soo dejinta ama dib u faafinta video-yada casharrada.
- Iibinta ama qeybinta nuxurka koorsada, PDF-yada ama shahaadooyinka.
- Isku dayga jebinta amniga platform-ka ama Vimeo hosting-ka.
5. Lacag bixinta
Qiimayaasha waxaa lagu qoray Dollar Mareykan ah. Waxaan aqbalnaa EVC Plus, SAHAL, ZAAD, kaararka, USDT iyo BTC. Iibka waa la xaqiijiyaa ka dib markii lacagta la helo, kadibna account-kaaga waa la furaa koorsada.
6. Shahaadooyinka
Shahaado waxaa lagu bixiyaa marka ardaygu dhamaystiro 100% casharrada koorsada. Shahaado kasta waxay leedahay code la xaqiijin karo bogga Verify. Shahaadada waa mid magacaaga ku qoran oo aan la wareejin karin.
7. Nuxurka waxbarasho ahaan
Casharrada Gaylan Academy waa hagitaan xirfadeed oo warbaahinta, wax-soo-saarka video, sawir-qaadista, social media iyo saxaafadda. Waxbarashada ma tahay dammaanad shaqo ama dakhli.
8. Joojinta
Waxaan xaq u leenahay inaan xiro account jebiyay shuruudahan (gaar ahaan wadaagista ama duubista casharrada) iyada oo aan lacag dib loo celin.
9. Xiriirka
Su'aalo shuruudaha ah: info@gaylanacademy.com ama WhatsApp +252 61 9588383.
