Legal

Privacy Policy

Gaylan Academy waa akadeemiyad warbaahinta oo online ah. Qoraalkan wuxuu sharxayaa xogta aan ka ururino ardayda iyo sida aan u ilaalinno.

Last updated: 1 August 2026

1. Xogta aan ururino

Markaad account sameyso waxaan ururinaa magacaaga, email-kaaga, taleefankaaga (haddii aad bixiso), sawirka profile-kaaga, iyo diiwaanka koorsooyinka aad iibsatay. Sidoo kale waxaan xafidnaa horumarka casharada — casharada aad dhamaystirtay iyo goobta aad video-ga ku joogsatay.

2. Sida aan u isticmaalno

  • Inaan kuu furno koorsooyinka aad iibsatay oo aan la socono horumarkaaga.
  • Inaan kuu soo dirno shahaadada markaad koorso dhamaystirto.
  • Inaan kuu soo dirno ogeysiisyo (announcements) koorsada iyo taageero WhatsApp ah.
  • Inaan hagaajinno tayada casharrada iyo website-ka.

3. Lacag bixinta

Lacag bixinta waxaa maamula shuraakadayada (EVC Plus, SAHAL, ZAAD, kaararka, USDT iyo BTC). Gaylan Academy ma kaydiso lambarrada kaararkaaga — waxaan kaliya haynaa diiwaanka iibka (qiimaha, taariikhda iyo koorsada).

4. Wadaagista xogta

Xogtaada ma iibinno oo ma kireysanno. Waxaan kaliya la wadaagnaa adeeg-bixiyeyaasha aan ku shaqeyno (hosting, database, lacag bixin, Vimeo video hosting) inta looga baahan yahay adeegga oo kaliya.

5. Video iyo cookies

Casharrada waxaa lagu martigeliyaa Vimeo, taasoo dhigi karta cookies si video-ga si fiican u shaqeeyo. Waxaan sidoo kale isticmaalnaa cookies muhiim ah oo login-kaaga sii socodsiiya.

6. Xuquuqdaada

Waxaad codsan kartaa inaad aragto, bedesho ama tirtirto xogtaada shaqsiyeed. Nala soo xiriir info@gaylanacademy.com ama WhatsApp-ka akadeemiyada.

7. Carruurta

Adeegga waxaa loogu talagalay dadka 13 jir iyo ka weyn. Haddii aad ka yar tahay 18, fadlan isticmaal ogolaanshaha waalidkaaga.

8. Isbeddellada

Waxaan cusbooneysiin karnaa qoraalkan. Nooca ugu dambeeya iyo taariikhdiisa waxaa lagu daabacayaa boggan.